Waa Maxay ACCA?
Association of Chartered Certified Accountants (ACCA) waa urur xirfadeed oo caalami ah, aadna loo qiimeeyo, kuna shaqeeya xisaabaadka. Shahaadada ACCA waa mid caalami ah oo loo aqoonsan yahay inay la mid tahay shahaadooyinka xisaabaadka maxalliga ah ee dunida oo dhan, waxayna muujisaa xirfad heer sare ah dhammaan qaybaha ganacsiga.
Iyada oo leh in ka badan 500,000 oo xubnood iyo arday ku kala nool 170 waddan, ACCA waa shahaadada xisaabaadka ugu weyn, kana mid ah kuwa sida ugu dhaqsiyaha badan u koraya adduunka.
Faa'iidooyinka Shahaadada ACCA
- Aqoonsi Caalami ah: Waxay kuu suurto gelinaysaa inaad noqoto xisaabiye sharciyaysan (Chartered Certified Accountant), isticmaasho magaca ACCA, isla markaana ka shaqeyso dhinacyada dhaqaalaha iyo maamulka ganacsiyada caalamiga ah.
- Fursadaha Shaqo oo Fiican: Waxay muujineysaa xirfad iyo aqoon ballaadhan oo ku saabsan dhammaan qaybaha ganacsiga, taas oo kordhinaysa fursadaha shaqo ee qeybaha kala duwan.
- Koritaanka Shaqooyinka: Waxay siinaysaa shaqo-bixiyeyaasha kalsooni in aad u diyaar tahay inaad qabato xilal sare oo maamul iyo qorshe-dejin ah.
- Sumcad Xirfadeed oo Sareysa: Waxay sare u qaadaysaa sumcaddaada xirfadeed ee shaqo-bixiyeyaasha iyo macaamiishaada dhexdooda.
- Xirfad Baahi Weyn Loo Qabo: Waxay siinaysaa haystayaasha xirfado aad loogu baahan yahay sida dhaqaalaha, bangiyada, hantidhawrka, la-talin, canshuuraha, iyo sharciyada.
- Xirfad Dhammaystiran: Kaliya kuma siinayso aqoon gaar ah oo xisaabaadka iyo dhaqaalaha ah, balse sidoo kale waxay ku siinaysaa xirfado muhiim ah oo dhinaca maamulka ururada iyo go’aan qaadashada istiraatiijiyadeed ah.
- Adeegsiga Ficil ah: Waxay xoogga saareysaa aqoon ficil ahaan loo adeegsan karo, oo ka duwan shahaadooyinka jaamacadeed oo inta badan ku salaysan aragti keliya.
- Heerarka Caalamiga ah: Waxay ku dhisan tahay heerarka xisaabaadka iyo hantidhawrka ee caalamiga ah, waxayna waafaqsan tahay ururka caalamiga ah ee IFAC (International Federation of Accountants).
- Heer Waxbarasho oo Sareeya: Waxay u dhigantaa heer waxbarasho oo jaamacadeed oo dhammeystiran, iyadoo ka turjumaysa heer xirfadeed iyo mid aqooneed oo aad u sarreeya.
- Dabacsanaan: Imtixaanaadka oo la qabto sannadkii laba jeer, waxay ardaydu awoodaan inay shaqeeyaan iyagoo waxbarashadooda sii wadanaya.
- Ku qanacsanaan Shakhsiyadeed: Waxay siinaysaa qofka qanacsanaan xoog leh oo uu ka helo inuu yeesho xirfado ganacsi iyo dhaqaale oo qiimo leh, lana aqoonsan yahay caalami ahaan.
Maxay tahay ku kala duwan ACCA iyo Master MBA?
Shaki la’aan barnaamijyada MBA waxay bixiyaan waxbarasho heer sare ah, waxaana laga qadariyaa adduunka oo dhan, laakiin intooda badan lama aqoonsana goobaha shaqada iyo shirkadaha.
Ma jiraan heerar midaysan oo dhanka tayada iyo manhajka ah oo barnaamijyada MBA leeyihiin, maxaa yeelay waxaa nidaamiya oo kormeera jaamacadaha laftoodu. Sidaas darteed, hal shahaado MBA ah lama barbar dhigi karo mid kale.
5 waxyaabood oo ay tahay inaad ka ogaato ACCA
- ACCA ("Association of Chartered Certified Accountants") waa urur xirfadeed oo caalami ah oo bixiya shahaadooyin caalami ah oo aad loo ixtiraamo lagana qiimeeyo ganacsiyada caalamiga ah. Waxaa aqoonsan waddamada Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.
- Sidee lagu helaa shahaadada? Waa inaad ku guulaysato ugu badnaan 13 imtixaan oo luqadda Ingiriiska ku baxaya iyo waayo-aragnimo shaqo oo aad ka heli karto qayb kasta oo ganacsi ah oo aad ka shaqeynayso. laga bilaabo sanadka 2027 tiradda imtixaanadu waxay noqon doontaa 11 imtixaan.
- Waxaad qaadan kartaa illaa 4 imtixaan midkiiba wakhtiga imtixaanka halkii fadhi, waxaadna haysataa 10 sano inaad ku dhamayso. Caadi ahaan waxay qaadataa 2 ilaa 3 sano inaad ku guulaysato.
- Shahaadadan xirfadeed waxay ka hadlaysaa dhammaan qaybaha ganacsiga, laga soo bilaabo warbixinnada maaliyadeed, xisaabaadka maamulka, canshuuraha ganacsiga, sharciyada, hantidhawrka iyo anshaxa ganacsiga.
- Shirkado badan oo caalami ah iyo kuwa maxalli ah ayaa raadiya ama u baahan shaqaalahooda inay bartaan shahaadadan caalamiga ah ee aadka loo qadariyo.
- Sanadkiiba imtixaanka waxaad la galaa afar jeer ( March, June, September iyo December). ugu yaraan ardaygu wuxuu saddexdii biloodba mar u fadhiisan karaa hal imtixaaan taas oo markaas ka dhigaysa inuu ka dhameeyo qiyaastii saddex sano iyo wax ka yar.
- Ardayda Soomaalida oo aan haysan shahaadooyin muctarif ah waxay u noqon kartaa dariiq ay waxbarashadooda ugu helaan aqoonsi caalami ah waayo shahaadada marka aad qaadato waxa muhiimada leh maaha jinsiyada iyo passportka aad sidato taas badalkeedka waa xirfadda aad baratay. Waxaad ka gudbi kartaa xuduudihii kaa xidhnaa/xirnaa markii hore oo waxaad noqon kartaa shaqaale caalami ah dhamaan wadamada caalamka.
- Imtixaanka waxaad ku gali kartaa xarumaha ay ku leedahay ACCA dhamaan waddamada aduunka sida oo kale waxaad ku gali kartaa gurigaaga ama goobtaadda shaqo markaad kasoo baxdo shuruudaha lagaa rabo.
- si aad u barato waxaad u baahan tahay inaad is diwaangaliso adigo isticmaalaya website ka www.accaglobal.com raacayana tilmaamaha lagu siiyo , waxa kale oo aad u baahan tahay meel aad ka barato oo online ah ama iskuul aad xaadirto, ugu danbayn waxaad u baahan tahay inaad hesho buugtii ugu danbaysay oo ku salaysan manhajka ugu danbeeyey ee ACCA.
- Waxa bilaabi karta oo ku fiican qof haysta shahaado hore oo accounting ah sida diploma ama degree.