Shirkadda Microsoft ee soo saarta barnaamijka kombuyuutarradu ku shaqeeyaan ee Windows ayaa sheegtay inay joojinaysayo taageeradda iyo horumarinta ay siin jirtay barnaamijka Windows 10 laga bilaabo 14 Aktoobar , 2025.
Barnaamijka Windows 10 waa uu sii shaqayn doonaa intii muddo , waxa hoos u dhici doona isku halaynta amnigiisa maadama laga joojiyey kobcintii amnig ( security patches).
Shirkadda Microsoft ayaa arinkan ugu talogashay inay dadka ku khasabto in ay u guuraan barnaamijka cusub ee Windows 11 oo haysta taageero, horumarin iyo kobcin amni oo sare .
Saamaynta
Arintani waxay keenaysaa in uu hoos u dhaco suuqa dhamaan Koombuyuutaradda keliya ku shaqayn kara Windows 10 iyo wixii ka horeeyey. Haddii aad isticmaalayso hadda Windows 10 waxaad ka mid tahay dadkii hore ee isticmaali jiray tiknooliyadii hore ee windows 10.
Haddii aad Koombuuyar iibsanayso maanta mid ka mid ah waxyaabaha la eegayo waxa ka mid ah inuu ku shaqayn karo Windows 11.
Arintani Sidee u Saamaynaa dadka Isticmaala QuickBooks Desktop Crack ama Offline ah
Sida aynu ka warqabno shirkada Intuit ee soo saarta barnaamij xisaabeedka QuickBooks Desktop waxay ay dhowrkii sano ee u danbeeyey waday inay joojiso horumarinta iyo samaynta QuickBooks Desktop.
Shirkadda Intuit waxay aayar aayar u soo joojisay qaybihii kala duwanaa ee QuickBooks Desktop sida QuickBooks Pro, QuickBooks Premier iyo QuickBooks Point of Sale.
Shirkaddu waxay sii waday halka barnaamij ee QuickBooks Desktop Enterprise oo hadda shaqeeya inkastoo isagana tan iyo 2024 kii laga joojiyey wixii horumarin ah. Shirkadda ayaa la filayaa inay sanadaha soo socda ay guud ahaan ba joojiso QuickBooks Desktop Enterprise
Shirkadda ayaa rabtaa in ay dhamaan macaamiisheedu u guuraan barnaamijka cusub ee QuickBooks Online ee ah Cloud .
Dadka Isticmaala QuickBooks Desktop Enterprise 2024 liisankiisa sharciga ah wax khatar ah ma wajahi doonaan maadama ay wali shirkaddu taageerto ayna iibiso.
Waxa khatar weyn oo xog lumis ah (data loss) wajihi doonaa dhamaan dadka isticmaala QuickBooks Desktop yadii hore sida Pro, Premier iyo Point of Sale, sida oo kale waxa khatarta wajahaya dadka isticmaala QuickBooks Desktop 2023 iyo wixii ka horeeyey maadama la badalay Windows-kii ay ku shaqayn jireen.
QuickBooks Desktop 2023 iyo wixii ka horeeyey kuma shaqayn doono dhamaan koombuyuutaradda cusub ee kusoo dagaya Windows 11.
Qof Isticmaala QuickBooks Desktop Enterprise 2023 iyo wixii ka horeeyey hadii uu windows kiisa update gareeyo si kas ama kama ah waxa dhici doonta inaanu Barnaamijka QuickBooks u shaqayn doonin.
Shirkadda SwiftBooks Firm waxay kula talinaysaa cid kasta oo isticmaasha QuickBooks Desktop ah wixii ka horeeyey 2023 inay u guuraan QuickBooks Online ama ay isticmaalaan liisankii ugu danbeeyey ee QuickBooks Desktop 2024. Shirkadda ay kaa saacidi doonta xog rarista iyo tababarka iyo isticmaalka barnaamijka cusub.